Reysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo isbuuca soo socdo booqasho rasmi ah ku iman doono Norway

0
123

Sida lagu sheegay war saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Norway, Reysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa isbuuca soo socdo booqasho rasmi ah ku imaan doono dalkan Norway.

Reysulwasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeybgali doono shir sanadeedka madasha Oslo Forum oo bilaaban doono 19-ka iyo 20-ka bishan Juni. Waxaana shirka sanadkan kasoo qeybgali doono xogyaha guud ee qaramada António Guterres iyo madaxda dalal kale oo dhowr ah.

Sida lagu xusay war saxaafadeedka kasoo baxay dowlada Norway, wasiirada arimaha dibadda dalkan Norway ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay reysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa sidoo kale ka qeybgalay shir sanadeedkii madasha Oslo Forum ee sanadkii lasoo dhaafay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments