Afhayeenka xisbiga Ap: Waxaa haboon in Norway ay joojiso qaabilaada magangalyo doonayaasha

0
182
Foto: Stillebilde/Youtube

Afhayeenka dhanka soo galootiga u qaabilsa xisbiga shaqaalaha ee Ap, Masud Gharahkhani ayaa sheegay inay haboon tahay in Norway ay joojiso qaabilaada ay dalkeeda ku qaabileyso qoxootiga magangalyo doonka ah.  Isaga oo raaciyay in xisbigiisu uu rabo in isbadal lagu sameeyo nidaamka magangalyo doonka dowliga ah ee hada Jiro.

Masud oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, ayaa wargeyska Klassekampen sheegay inay waajib tahay in laga tago soo galootiga magangalyo doonka. Wuxuuna shaaciyay in dhibaatada soo galootiga ay tustay sida uu nidaamka hada jiro u nugulyahay, uusana aheyn mid cadaalad ah.

Afhayeenka xisbiga Ap ayaa sheegay in hadafku uu yahay in Norway ay soo qaadato, ayna dib u dajin qoxootiga kujiro xeryaha qoxootiga caalamka, balse ay joojiso qoxootiga ay ku qaabileyso xuduudka wadanka.

Xigasho/kilde: Dagbladet/NTB/Klassekampen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments