Xildhibaan FRP: Soo galootigu ha guursadaan Norwiijiga, si wax looga qabto falal danbiyeedyada

0
170
Foto: Stortinget.no

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa warbaahinta dalka Norway aad looga hadalhayay falal danbiyeedyada soo kordhaya ee ka dhaca xaafada ay ku badanyihiin soo galootiga. Dhalinyarada ugu badan ee falalkan geysanaya ayaa ah kuwa ay waalidkood yihiin soo galooti, waxaana siyaasiyiinta dalkan Norway ka dhex aloosan dood culus oo ku saabsan sababta arintaas keentay iyo qaabka wax looga qaban karo.

Christian Tybring-Gjeddes oo ah xildhibaan katirsan FRP, lagana soo doorto Oslo ayaa mar uu ka qeybgalayay dood ka dhaceysay TV2 sheegay in soo galootigu ay aad ugu mashquulsanyihiin ilaalinta dhaqankooda iyo asalkooda, taasna ay adkeyneyso xal ka gaarista falal danbiyeedyada ka dhacaya Oslo. Wuxuu raaciyay inay adagtahay in la hogaamiyo siyaasad ahaan dal ay dadkiisu kala aaminsanyihiin aragtiyo kala duwan oo dhaqanka ah, isaga oo sheegay inay muhiim tahay inay bulshadu isku milanto, soo xal looga gaaro dhibaatooyinka.

Siyaasigan oo caan ku ah hadal adeyg, mararka qaar laga dheehan karo isir-diid ayaa sidoo kale sheegay in soo galootigu ay xaasas kasoo guursadaan dalalkii ay kasoo jeedeen, taasna ay keeneyso aragti kala duwanaansho mujtamac-weynaha iyo dadka soo galootiga ah. Wuxuu raaciyay inay haboonaan laheyd in soo galootigu ay guursadaan norwiijiga, si arintaas loo xaliyo.

Siyaasiyiinta katirsan xisbiyada bidixda ee hada gacanta ku hayo maamulka magaalada Oslo ayaa sheegay in dhibaatada falal danbiyeedyada ka socdo xaafado katirsan Oslo aysan lug ku laheyn jinsi iyo qowmiyad, balse ay yihiin dhibaatooyin bulsho iyo kuwa ku saleysan dhaqaale, ayna u baahanyihiin xal ka duwan in si isir ahaan ah loo fiiriyo.

Xigasho/kilde: TV2(HALKAN KA DAAWO DOODAN)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments