fredag, april 26, 2024

UDI oo bilowday adeegsiga»ROBOT» si iskiis ah goáan uga gaari kara kiiska qofka

Laanta socdaalka iyo soo galootiga dalkan Norway ee magaceeda loo soo gaabiyo UDI, ayaa sheegtay inay shaqo galin doonaan Robot(Mashiin iskiis isku amra), kaas oo la wareegi doono qeybo kamid ah shaqooyinka ay hada qabtaan shaqaalaha caadiga ah ee laantaas ka shaqeeyo.

Mashiinkan oo loogu magacdaray Ada, ayaa mar horeba lagu tijaabiyay kiisaska qaar, wuxuuna kiiskiisi ugu horeeyay ogolaansho si iskiis ah(qofna uusan amrin) u siiyay qoys rabay inay dib u midoobaan. Mashiinkan ayaa si iskiis u qiimeyn karo inuu qofku buuxiyay shuruudihiisa looga baahnaa, isaga oo go´aana ka gaari karo kiiska qofka.

UDI-da ayaa sheegtay iney goáan ka gaarista kiisaska qaar u adeegsan doonaan mashiinkan, si loo dhimo sugitaanka ay dadku xiliga dheer sugaan jawaabta kiisaskooda. Waxeyna sheegeen in wali ay shaqaale caadi ah gudoomi doonaan kiiska qofka, laakiin ay go´aan ka gaarista u gudbin doonaan mashiinka.

Waxyaabaha kale oo ay UDI-du u adeegsan doonto mashiinkan ayaa waxaa kamid ah hubinta wadooyinka safar ee qofka magan-galyo doonaha ah uusoo maray, keydinta wareysiga qofka uu bixiyo xiliga uu magangalyada codsanayo, doorashada qoxootiga dib u dajinta Norway loogu sameynayo.

Madaxda UDI-da ayaa ku qanacsan in mashiinku uusan inta badan sameynin wax qalad ah, halka ay dadku sameeyaan qaladaad tiro badan. Sidaas darteed ay ka faaíideysan doonaan teknooliyada casriga ah, si loo fududeeyo howlaha laanta socdaalka.

Heyádda u dooda xuquuqda magangalyodoonka Norway ayaa dhankeeda sheegyay inay walba muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda aas-aasiga ah ee qofka magangalyo doonka ah. Iyaga oo soo dhaweeyay adeegsiga mashiinkan cusub, hadii uu shaqaalaha UDI-da siinayo waqti fiican oo ay goáan uga gaaraan kiisaska dadka waqti badan sugayay jawaabta.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x