Xusuusin: Isbuuc kadib lacagta waxey ka bixi doontaa suuqa

0
102

Bangiga dhexe ee dalkan Norway ayaa sanad kahor soo saaray waraaqo cusub oo lacagta 100 iyo 200 lacagtan dalkan Norway ah. Arintaas oo qeyb ka ah qorshe uu bankiga dhexe kusoo daabici waraaqo cusub oo lacagta Norway laga adeegsado ah.

Adeegsiga lacagtii hore ee 100 iyo 200 krone ayaa ku eg 31.05.2018, iyada oo wixii intaas ka danbeeyo aysan suurtogal noqon in lacagtaas wax lagu iibsado.

Bankiga dhexe ayaa dadka wali heysta lacagahaas kula talinaya inay adeegsadaan(wax ku iibsadaan) wixii ka horeeyo dhamaadka bisha May, ama ay ku shubaan kontada.

Inkasta oo adeegsiga lacagtan ay ku egtahay  bisha may ee sanadkan, hadana bankiga dhexe ayaa ku qasban in mudo 10 sano ah ay dadka wali lacagahaas heysto u badali karaan.

Dhamaadka sanadkan 2018, ayaa sidoo kale lagu wadaa in bankiga dhexe uu suuqa soo galiyo waraaqaha cusub ee lacagta 500 Kroner, iyada oo sanadka danbe ee 2019 ay soo bixi doonto lacagta cusub 1000 Krone.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments