Ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway(SSF) ayaa 22-ka bishan February qaban doono seminaarka dhiiragalinta waxbarashada sare ee jaamacada, oo ah seminaar loogu talagalay in dhiirigalin loogu sameeyo ardeyda soomaalida ah ee dhigita dugsiyada sare ee Norway.

Seminaarka ayaa wuxuu ka dhici doonaa Høyskolen i Oslo og Akershus(HIOA), hoolka p35. Halkan ka akhri warbixintii aan ka qornay sanad kahor seminaarkii sanadkii 2017 ee dhiirigalinta waxbarashada.

Waalidiinta soomaalida ah ee degan Oslo iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargalinayaa inay caruurtooda usoo diraan seminaarkaas ay qabtaan ardeyda jaamacadaha ee soomaalida ah. Si ay u helaan dhiirigalin, niyad iyo hami ay qabaan inay qaataan waxbarasho sare.

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan arintan, kala xiriir ururka ardeyda SSF(Halkan click sii)

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of