Booliska: Sadex jeer hadii uu kaa lumo(dhumo) passportka, waa laguu diidi karaa in mid cusub lagu siiyo

0
114

34 401 baasaboor oo norwiiji ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay la diiwaan galiyay inay lumeen. Booliska ayaa sheegay in tiradaas ay tahay mid aad u badan, ayna hada soo saari doonaan shuruuc cusub oo keeni karta in qofka loo diido in la siiyo baasaboor cusub, hadii uu dhowr jeer lumiyo mudo 10 sano gudaheed ah.

Booliska ayaa aaminsan in sababta ugu badan ee keenta lumista baasaboorada ay tahay dayac ka imaada dadka isla leh oo ku ilaawa marka ay tusaale ahaan u guurayaan guri cusub.

Xeerkan cusub ayaa ku qaban kara:

John Kristian Thoresen oo katirsan booliska ayaa wargeyska Dagbladet u sheegay in hadii uusan qofku heysan sharaxaad loo qaateen ah oo ku saabsan sababta uu uga lumay baasaboorka ay qaban karaan shuruucdan:

Hadii aad baasaboorka lumiso 2 jeer mudo 10 sano ah gudaheed, waxaa qofka la siinayaa digniin qoraal ah oo ku saabsan in hadii uu mar kale lumiyo ay la kulmi doono ciqaab. Waxeyna ciqaabtaas noqon kartaa in la xadido mudada uu baasaboorka cusub ee la siin doono u shaqeyn doono ama ay dhici karto in loo diidaba in mid kale oo cusub la siiyo. 

-Hadii aad sadex jeer lumiso baasaboorka mudo 10 sano ah, waxaa la qiimeynayaa inaad buuxisay shuruudaha laguugu diidi karo cusbooneysiinta baasaboorka, ama waxaa la xadidi karaa mudada uu shaqeyn doono midka cusub ee lagu siiyo.

-Sidoo kale mararkii hore ee aad lumisay baasaboorka ayaa qiimeynta lagu darayaa, hadii aysan wali dhamaan 10 sano. 

Xigasho/kilde: Dagbladet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments