Politiken: Denmark waxey tababar ciidan Soomaaliya kaga badalatay heshiis dib u celin.

0
109

Wargeyska Politiken ee dalka Denmark ayaa maalmo kahor soo daabacay in Denmark ay sanadkan 2017-ka Soomaaliya u tarxiishay ilaa 10 qof, iyaga oo wareysi dheer la yeeshay mid kamid ah dhalinyarada sida qasabka ah Soomaaliya loogu tarxiilay.

Isla wargeyskan ayaa bilo kahor soo bandhigay in Denmark ay heshiis qarsoodi ah oo afka ah ay la gashay wafdi ka socday dowlada Soomaaliya, kuwaas oo booqasho ku yimid Denmark sanadkii 2016-ka. Denmark ayaa Wafdigaas heshiis kula gashay inay sanadkii soo tarxiili karaan ilaa 12 qof oo soomaali ah, oo ka dhigan bishiiba hal qof.

Wafdigan ayaa waxaaba hogaaminayay reysulwasaare ku xigeenkii xukuumadii xiligaas, Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo wasiirkii amniga Xiligaas, Cabdirisaaq Cumar, waxaana la socday madaxii laanta socdaalka xiligaas, Cabdullahi Gaafow.

Macluumaad dheeri ah oo heshiiskaas aan rasmiga aheyn laga helay ayuu Politiken ku sheegay in Denmark ay Soomaaliya heshiiskaas kaga badalatay in tababar la siiyo ciidamada laanta socdaalka ee dowlada Soomaaliya, ayna Denmark dhankeeda sanadkii soo celiso 12 qof oo soomaali ah.

Safiirka EU-da u fadhiyo Soomaaliya, Cali Fiqi ayaa xili sii horeeyay diiday in Soomaaliya ay wax heshiis kula jirto Denmark. Isaga oo sheegay inuu xiriir la leeyahay madaxda dowlada Soomaaliya iyo laanta socdaalka.

Khubarada ku xeel-dheer arimahan xiriirka caalamiga ah ayaa dowlada Denmark ku dhaleeceynayo inay heshiis qarsoodi ah oo afka ah ay la gasho Somaaliya oo kamid ah dowladaha aduunka ugu musuq-maasuqa badan.

Norway iyo Soomaaliya:

Warbaahinta Denmark waxey baaritaan dheer kadib banaanka keeneen in Denmark ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya, ayna Soomaaliya u tababaraan ciidanka laanta socdaalka.

Dalkan Norway waxaa booqasho ku yimid isla wafdigaas dowlada Denmark la galay heshiiska, waxeyna kulamo la qaateen dowlada Norway, gaar ahaan wasaarada cadaalada.

Sidoo kale Norway waxey tababar u fidisaa shaqaalaha laanta socdaalka, waxaana halkan booqasho ku yimid madaxa laanta socdaalka, Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo. Sidoo kale shaqaale katirsan UDI-da ayaa dhawaan safar ku tagay magaalada Muqdisho.

Si lamid ah Denmark, waxey Norway sanad walba si qasab ah Soomaaliya ugu tarxiishaa dad soomaali ah. Xiligan waa xerada qoxootiga Trandum kujiro dhowr qof oo soomaali ah.

Marka la isku geeyo waxyaalahaas oo dhan, lana barbardhigo xaalada Denmark, waxaa kuu muuqaneyso in Norway aysan Denmark ka dheereyn.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments