fredag, april 26, 2024

Politiken: Denmark waxay si qarsoodi ah sanadkan Soomaaliya ugu tarxiishay ilaa 10 qof oo soomaali ah.

Sida uu maanta bogiisa hore kusoo daabacay wargeyska Politiken oo kamid ah wargeyska ugu waaweyn dalka Denmark, dowlada dalkaas ayaa sanadkan ilaa 10 qof oo soomaali si qarsoodi ah ugu tarxiishay Soomaaliya. Hoos ka akhri warbixinta wargeyska oo af-Danish ku qoran.  

Sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan, waxey Denmark si qarsoodi ah ku tarxiishay toban qof oo soomaali ah, inkasta oo hey’addo badan ay Denmark uga digeen inay Soomaaliya xiligan dad u celiso. Warkan ayaa laga soo xigtay fariimo ay isku dirayeen qeybo kamid ah hey’addaha soo galootiga dalkaas iyo booliska.

Hey’adda agaasinka soo galootiga dalka Denmark ayaan ka gaabsatay inay hadal ka bixiyaan warka uu maanta qoray wargeyska Politiken. Wargeyskan ayaa wareysi dheer kasoo qaaday mid kamid dhalinyarada soomaalida ah ee Denmark laga tarxiilay, kaas oo hada ku sugan Soomaaliya.

Wasiirada soo galootiga dalka Denmark,  Inger Støjberg ayaa dhankeeda sheegtay inay kalsooni buuxdo ku qabto go’aanka ay gaarto hey’adda agaasinka  soo galootiga dalkaas.

Arintan ayaa kusoo aadeyso xili ay Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyney doonto magangalyada 832 oo soomaali ah, kuwaas oo dalkaas kunool. ku dhawaad 300 oo dadkaas kamid ah waxey Denmark ku wargalisay inaysan u baahneen magangalyo, isla markaana lagu celin doono Soomaaliya.

Heshiiska afka oo ay dowlada Soomaaliya la gashay:

Isla wargeyskan Politiken ayaa bilo kahor fashiliyay heshiis afka ah oo qarsoodi ah, kaas oo wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya ay la galeen dalka Denmark. Heshiiska ay Denmark la gashay wafdigan soomaalid ah ayaa dhigaya in Denmark ay sanadkii Soomaaliya u tarxiili karto ilaa 12 qof.

Wafdiga ka socdo dowlada Soomaaliya oo Denmark safar ku yimid sanadkii 2016-ka ayaa waxaa hogaaminayay reysulwasaare ku xigeenkii xukuumadii Soomaaliya ee xiligaas, Maxamed Cumar Carte Qaalib, wasiirkii amniga qaranka, Abdiraaq Cumar iyo madaxii laanta socdaalka ee xiligaas, General Cabdulaahi Gaafow.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo reysulwasaarihii hore ee Denmark ayaa sidoo kale sanadkii 2014-ka isku afgartay in Denmark ay Soomaaliya usoo celin karto dadka diidmada ka helay magangalyada, ee dalkaas kunool.

Qaramada midoobay oo Denmark u digtay:

Hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa dhowr mar Denmark uga digtay inay xiligan dad u celiso Soomaaliya, sababa la xiriira dhanka amaanka. Digniintii ugu danbeeyay waxay qaramada midoobay soo saartay maalmo kadib qarixii Zoobe oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 qof oo soomaali ah.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x