Oslo: Labo nin oo soomaali ah oo maxkamad loo soo taagayo fal dil ah oo dhacay sanadkii 2008.

0
125
FOTO: ERIK ENGEN/POLITIET / NRK/SCANPIX

Maanta oo talaado ah waxaa magaalada Oslo ka bilaabatay dhageysiga dacwada labo nin oo soomaali ah, kuwaas oo ku eedeysan fal danbiyeed dil ah oo xaafada Torshov ee magaalada Oslo ka dhacay sanadkii 2008. Labadan nin ayaa da´ahaan kala jiro 35 iyo 33 sadex.

Ninka 35-sano jirka ah ayaa ku eedeysan falka dilka ah iyo waliba mid kale oo isku day dil ah, halka ninka 33-sano jirka ahna uu ku eedeysanyahay inuu qeyb ka ahaa falkaas dhacay.

Booliska ayaa labadan nin ee soomaalida ah ku eedeynayo inay khiyaameen sadex saaxiibadood ah oo soomaali ahaa, ayna u sheegeen inay xaflad aadi doonaan, sidaas darteed ay ku balamiyeen goob lagu nasto oo kutaal xaafada Torshov ee magaalada Oslo. Balse markii danbe uu halkaas ka bilowday muran dhaliyay inay xabado ku furaan saaxiibadii ay balamiyeen.

Ninka 35-jirka soomaaliga ayaa ku eedeysan inuu xabado ku furay ragii ay balamiyeen, waxaana geeriyooday mid kamid saaxiibadii ay balamiyeen, halka kan kalena uu soo gaaray dhaawac.

35-jirka dilka geystay ayaa isaga cararay Norway, balse sanadkii 2008, waxaa laga soo qabtay dalka Germany, iyada oo loo soo gacan galiyay booliska Norway.

33-jirka soomaaliga ah ee ku eedeysan inuu qorshahan qeybta ka ahaa ayaa qirtay inuu joogay meesha ay wax ka dhaceen, balse diiday inuu falkaas wax ka geystay. Qareenkiisa ayaa sheegay inuu ninkan isku soo dhiibay booliska waxyar kadib marka uu falka dhacay, uuna xabsiga ku jiray mudo afar isbuuc ah, kahor inta aan lasoo deynin.

Dhageysiga dacwadan ragan soomaalida ah ayaa maxkamada Oslo ka socon doonto sideed maalmood.

Xigasho/kilde:NRK.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments