NAV oo gabar soomaali ah oo dhalashada lagala noqday ka dalbaneyso inay soo celiso taageeradii dhaqaale oo ay heli jirtay.

0
200

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Lyndalsavis,  hey’adda NAV ayaa hooyo soomaali ah oo ay dowladu horey dhalashada u gala noqotay ka dalbaneyso inay soo celiso taageerooyinkii dhaqaale oo ay heli jirtay 17-kii sano ee ugu danbeeyay.

Hooyadan oo afar caruur ah heysato ayay dowladu kala noqotay sharciga dhalashada dalkan Norway, kadib markii la ogaaday inaysan ka run sheegin aqoonsigeeda shaqsiyeed markii ay Norway magangalyada weydiisaneysay.

Gabadhan soomaalida ah oo magaceedu uu yahay Yaasmiin Kristensen ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti, waxeyna Norway timid iyada oo 18-sano jir ah, markaas oo lagula taliyay inay sheegato inay Soomaaliya ka timid, si ay magangalyo u hesho. 16 sano kadib ayay dowladu sheegtay inay hooyadan kala noqotay dhalashada, maadaama aysan ka run sheegin aqoonsigeeda shaqsiyeed.

Sten Sørensen oo ah siyaasi lokal ah oo katirsan xisbiga KRF ayaa warbaahinta u sheegay in lacagta ay NAV hooyadan ka dalbaneyso ay tahay mid aad u badan oo malyan iyo dheeri gaari karto. Wuxuuna isaga iyo labo qof oo kale ay bilaabeen inay lacag u uruuriyaan gabadhan soomaalida ah, si ay uga caawiyaan qarashaadka maxkamada.

Yaasmiin ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka lagala noqday dhalashada Norway kaas oo ay isku raaceen UDI, UNE iyo Maxkamada darajada sadexaad(tingrett), waxaana racfaankaas maxkamada darajada labaad uu ka furmi doonaa bisha Maarso ee sanadka 2018-ka.

Xigasho/kilde: NRK/LYNGDALAVIS

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments