(Maqaal): Soomaalida Norway iyo muhiimada shirweynaha qoxootiga ee dhawaan dhici doono.

0
129
Qorahan maqaalkan: Sharmaarke Naxwe

Haddii aa  nahay  soomaalida Norway ku dhaqan, dhamaan qaybaheena kala duwan waxaa fursad wayn noo ah shirka 5 desember ka dhacaya Oslo, kaas oo ah mid looga hadli doono arimaha qoxootiga, soomaaliduna ay qeyb qeyn ka tahay.

Soomaalidu waxay ku maahmaahi jirtay markii Soomaaliya la joogay »Qof aan shantaadu kaa reebin, sharci kaama reebo». Balse halkaan maahmaahdii ayaa la gadiyay oo sharciga ayaa kaa reebi kara. Waxaana muuqato in qof walbaa uu cod ku raadinayo ku tumashada xuquuqda qoxootiga iyo dadka laga tira badanyahay, iyada oo sharciga la adeegsanayo.

Walaalayaal, waxaan anigu fikir ahaan qabaa in sanadihii ugu danbeeyay uu soomaalidu ku socdo dagaal qorsheysan oo dhinac kasta ah:

* Waxaa la adkeeyay sharciyadii wadanka, taas oo   keentay in ay soomaalidii magangalyada dalban jirtay ay aad u yaraato,  iyada oo la ogyahay in xaaladda soomaaliya aysan ahayn mid degan .

* Waxaa dabagal baahsan lagu sameeyay soomaalida dhalashada ku leh dalkan iyo kuwo aan ku lahayn taas oo keentay in noloshoodii ay ciriiri gasho.

* Waxaa aad loo raajiyay ka jawaabidda dalabyada sharciyada kala duwan ee dalkaan lagujoogo , waxaan si gaar ah loogu beegsaday soomaalida.

*Waxaa dib u qiimayn lagu sameeyay laguna wadaa dad soomali ah oo gaaraya 1600 oo qof oo ay caruur, hoyooyin, dhaliyaro ,dad waawayn, kuwo xanuunsan isugu jira kuwaas oo ah dad wadanka la qabsaday qaarkoodna shaqooyin joogta ah haysta luqaddana bartay, iyada oo lagu marmarsiyoonayo in xaaladda ammaan ee Somaaliya ay hagaagtay oo lagu celin karo dadkaas.

Haddaba walaal maantay waa maalintii aan hal far noqon lahayn ,hal af ku hadli lahayn , hal jeeb aan isticmaali lahayn. Soomaaliya waan jecelnahay, waa wadankeenii laakiin hadda maaha meel lagu celinkaro dadka aan kor ku xusnay.

Dad badan oo aan naqaano ayaa sharciyo laga siiyay wadamo kale oo Europe ah, kadib Norway markii ay ku waayeen sharciyadii taasna waxay cadayn u tahay in wadamada kale ay ku qanacsanyihiin in xaaladda dalkeena hooyo uusan daganayn.

Haddii maantay aanan isku gurman , barri qofkasta way samaynaysaa , xasuuso hoyooyinkii Somaaliyeed ee shaci la’aanta ku haysay Holland  ee kaamamka intii laga saaray dariiqyada seexday 2011. Link gaan  raac haddii aadan la socon dhacdadaan https://www.youtube.com/watch?v=c2-qokG3jDk

Ma waxaa rabtaa in taas oo kale ay ka dhacdo Oslo , hadaba shirkaan  arimaha qaxootiga waa fursadda ugu dhaw oo aan haysano waqti badan kama harrin , aan buuxino hoolka oo aan cabashadeena caalamka iyo dadka u danqada qaxootiga gaarsiino.

Waa la dhaafay waqtigii aan dhihi jirnay aniga kuma jiro, iyo aniga waxaas ayaan haystaa. Maantay way nawada saamynaysaa duufaanta socota , sharciga ayaan ku dhaqamaynaa sharciga ayaan xuquudeena ku helaynaa  , walal in la cararo iyo in la niyad jabo wax aan ahayn ayaa jira ee 5 desember ha noqoto maalinta loo gargaaro Somalida wadankaan.

Qore: Sharmake Nahwe

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments