Sweden: Siyaasi soomaalida aflagaadeeyay oo ganaax lagu xukumay.

0
113

Siyaasi katirsanaa xisbiga xagjirka ah ee dalka Sweden, SD ayaa lagu xukumay ganaax lacageed, kadib markii lagu helay danbi ah inuu aflagaado u geystay qowmiyad.

Ninkan oo lagu magacaabo Jahn Sohl ayaa ayaa barta Facebooga kusoo qoray hadal aflagaado ah, kaas oo uu ula dan lahaa kooxda xulka qaranka Soomaaliya ee ciyaarta barafka, isaga oo sheegay in waxa kali ah oo ay ku fiicanyihiin ay tahay kufsiga iyo dagaalka. Waxaana hadalkaas loo qaatay hadal naceyb ah oo uu ula dan leeyahay qowmiyada soomaalida.

Maxmakamada ayaa siyaasigan ku heshay danbiga, waxeyna ku xukuntay ganaax lacageed.

Siyaasiyagan ayaa qirtay inuu sameeyay falka, balse wuxuu sheegay inuusan ula dan laheyn sida ay maxkamadu sheegtay.

Xigasho/kilde: Expressen.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments