Maxkamada sare: Qoxootiga aan la cadeyn karin aqoonsigooda oo loo diidi karo waraaqaha safarka!

0
198
(Illustrasjonsfoto: Werner Anderson)

Qof kasta oo Norway ka hela sharciga magangalyada, wuxuu xaq u leeyahay inuu helo waraaqaha safarka ama reisedocument, kuwaas oo u dhigma passporada caadiga ah, isla markaana qofka u sahlo waxyaabo badan. Laakiin dadka uu shakiga kujiro aqoonsigooda shaqsiyeed, ayay dowladu u diidi kartaa inay waraaqaha safarka siiso. Waxaana dhowrkii sano ee ugu danbeeyay uu muran weyn ka taagnaa xaq lahaanshaha dowlada ee arintaas.

Waraaqaha safarka ayaa qofka u sahli karo inuu u socdaalo meel Norway ka baxsan, inuu qaato  kaar bangi, leysinka baabuurka, inuu deyn bangi ka qaato ama uu iibsado guri.

Maxkamada sare oo dowlada ku raacday:

Dhowr qof oo qoxooti ah, isla markaana Norway sharci magangalyo ka helay, loona diiday inay helaan waraaqaha safarka ayaa maxkamad la fuulay dowlada Norway. Maxkamada darajada sadexaad iyo waliba tan labaad ayaa u xukuntay dadkan inay xaq u leeyihiin inay helaan waraaqaha safarka.

Laakiin maxkamada sare ayaa ugu danbeyn dowlada u xukuntay inay xaq u leedahay inay dadka laga shakisanyahay aqoonsigooda u diido karto waraaqaha safarka. Maxkamada sare ayaa sheegtay in kalsoonida lagu qabo waraaqaha safarka ee Norway laga bixiyo uu dhaawac ku imaan karo, hadii la siiyo qof aan wali la cadeyn aqoonsigiisa shaqsiyeed.

Mid kamid ah kooxdan dowlada maxkamada la fuushay oo ka koobnaa sadex qof ayaa loo ogolaaday in la siiyo reisedocument, halka labada kalena loo diiday. Labada qof ee loo diiday ayaa magacyo kala duwan kaga dhiibnaa wadamo kale oo Yurub ah.

Dowlada ayaa wali aaminsan in dadka loo diido waraaqaha safarka ay la kulmaan caqabado kala duwan, waxeyna sheegtay in loo baahanyahay in xal loo helo arintooda.

Xigasho/kilde: NTB/ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments