Shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa afar xidig ka heshay tartanka caalamiga ah ee qiimeynta diyaaradaha ee Skytrax Award. Waxeyna kaalmaha hore ka gashay boqolaal shirkado diyaaradeed oo qiimeynta tartanka qeyb ka ahaa.

Skytrax Award ayaa ah bilada ugu sareysa ee la siiyo shirkadaha diyaaradaha ganacsiga ee caalamiga ah, waxaana sanad walba ku tartama kaalmaha koowaad dhamaan diyaaradaha caalamiga ah ee aduunka isaga kala goosha.

Sidoo kale Skyrax ayaa shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines u codeysay inay tahay tan ugu fiican ee laga leeyahay wadamada Afrika. Waxeyna noqoneysaa markii sadexaad oo mudo afar sano gudaheed ah ee Ethiopian Airlines loogu codeeyo inay tahay shirkada diyaaradeed ee ugu fiican qaarada Afrika. Sanadihii 2013 iyo 2016 ayaa sidoo kale Ethiopian Airlines la siiyay bilada shirkada diyaaradeed ugu fiican Afrika.

Ethiopian Airlines ayaa dhawaan bilowday inay duulimaadyo toos ah ku aado magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxeyna baxdaa shanta maalmood ee isbuuca, waxeyna qiimo ahaan aad uga jabantahay shirkadaha kale ee u safra Geeska Africa.

Halkan ka gal webka shirkada ee Norway: Ethiopianairlines.no

Ama kala xiriir xafiiskooda Oslo: Øvre Slottsgate 6, 0157 Oslo, tlf: 22 06 44 01  

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of