Denmark: Nin 27-sano jir soomaali oo ku eedeysan dil uu u geystay nin daris la ahaa, iyo isku day dil oo kale.

0
200

Nin 27 sano jir soomaali ah oo degan dalka Denmark ayaa lagu eedeeyay dacwad ku saabsan dil uu u geystay nin daris la ahaa, kaas oo uu ku dhuftay 160 mindiyood, iyo isku day dil oo uu kula kacay haweeney saaxiib la aheyd.

Sida uu qoray wargeyska EkstraBladet ninkan soomaaliga ah ayaa marka hore dilka u geystay ninka daris la ahaa, wuxuuna kadib uu isku dayay inuu dilo haweeneydan 23-jirka ah ee saaxiibka laheyd. Wuxuuna haweeneydan ku dhuftay 84 mindiyood, uuna kaga dhuftay meel halis ah, sida xabadka, dhuunta, qoorta iyo wajiga. Balse wey ka badbaaday dhaawacyadaas, oo uma aysan dhiman.

27 jirkan soomaaliga ah ayaa dhawaan maxkamad lagu soo taagi doonaan dalkaas, isaga ku eedeysan labo danbi oo cul-culus, ahna dil iyo isku day dil. Ninkan soomaaliga ayaa dhankiisa iska fogeeyay danbiga lagu soo eedeeyay.

Karoline Døssing Normann oo ah qareenka ninkan soomaaliga ah ayaa diiday inay faah faahin ka bixiso kiiska dacwada ninkan, iyada dacwad oogayaasha dowladuna aysan wali sheegin sababta ninkan ku kaliftay inuu falalkaas geysto.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments