Wakiilka Norway ee Soomaaliya oo maanta kasoo qeybgalayo kulanka xuska dadkii ku waxyeeloobay qaraxii magaalada Muqdisho.

0
123

Wakiilka gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Jens Mjaugedal ayaa maanta lagu wadaa inuu kasoo qeybgalo kulanka xuska loogu sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii magaalada Muqdisho.

Sidoo kale duqa magaalada Oslo, Marianne Borgen iyo masuuliyiin kale oo ka socdo dowlada Norway ayaa lagu wadaa inay kulankan kala soo qeybgalaan jaaliyada soomaaliyeed ee xuska u sameynayo dadkii ku geeriyooday qarixii magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa galabta ka dhici doono guriga shaqooyinka ee xaafada Tøyen(Tøyen aktivitets Hus), wuxuu bilaaban doonaa saacada 16:00. Waxaa muhiim ah in dhamaan soomaalida kunool Oslo iyo nawaaxigeeda ay kulankaas kasoo qeybgalaan.

Goobta kulanka uu ka dhici doono: Tøyen Aktivitetshus:Adresse
Kolstadgata 1, 0652 Oslo. Waa kasoo horjeedka iskuulka Tøyen, waxa uuna daqiiqad wax ka yar u jiraa Tøyen T-bane.

Wixii faah-faahin ah kala xiriir: 41404372 ama 94841977

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments