Sweden oo si xoog leh u canbaareysey musiibadii Muqdisho.

0
156

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaa Sweden, haweeneyda lagu magacaabo Margot Wallström ayaa aad u canbaareysey, walwal xoog lehna ka muujisey  qaraxii dadka badani ku dhinteen ee magaalada Muqdisho ka dhacay.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintey dad 300 oo qof kor u dhaafaya, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey dad aad iyo aad u farabadan.

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström oo ku sii jeeda shirka wasiirada arrimaha dibadda midowga Yurub maanta uga furmaya Luxemburg, ayaa tiri sidan:

– Dalkaas waxaanu islaheyn wuu ka soo kabanayaa dhibihii ka jirey, qaraxyada halkaas ka dhaceyna waa kuwo aad iyo aad looga argagaxo, dalkaasna dhulka ayey taasi la sii galeysaa. Waxaa nalookaga  baahan yahay in aan taageerno Somalia gargaarna u fidino si ay cageheeda isugu taagto, dalkayaguna wuu ka dhabeyn doonaa arrinkaas , ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström.

Xigasho/kilde: Radio-sverige-Soomaali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments