Paris: Taalada eiffel tower oo loo damin doono xuska dadkii ku halaagsamay musiibadii Muqdisho ka dhacday.

0
328

Taalada Eiffel Tower oo kamid ah meelaha aadka dalxiiska loogu tago caalamka, ayaa caawa saqda dhexe nalka loo damin doonaa, si loo xuso dadkii ku xasuuqmay musiibadii sabtidii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaana bixiyay amarka lagu daminayo nalka taalada, si loo garab istaago ehelada dadkii ku nafwaayay musiibadaas Muqdisho ka dhacday.

Warkan ayaa lagu sheegay boga rasmiga ah ee maamulka taalada gacanta ku hayo ee magaalada Paris.

In nalalka loo damiyo goobaha caanka ah, waa mid kamid ah hababka loo xuso dhacdooyinka markaas taagan ee saameynta weyn ku leh bulshoweynta caalamka.

Xigasho/kilde: Tour Eiffel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments