Duqa magaalada Oslo oo soomaalida Norway kala qeybgaleyso kulanka baroordiiqda ee jimcaha dhici doono

0
186
Duqa magaalada Oslo: Marianne Borgen Foto: SV

Duqa magaalada Oslo,Marianne Borgen ayaa maalinta beri ah ee jimcaha kasoo qeybgali doonto kulan balaaran oo soomaalida Norway ay xus ugu sameyn doonaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii October.

Duqa magaalada Oslo ayaa kamid ah masuuliyiin ka socoto dowlada Norway iyo magaalada Oslo, kuwaas oo lagu wado inay kulanka dareenkooda la qeybsadaan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Kulankan ayaa maalinta beri ah ka dhici doono xaafada Tøyen, gaar ahaan guriga Aktivitetshuset ama kasoo horjeedka Tøyen-Skole ama Tøyen T-bane. Adresska goobta waa Kolstadgata 1, 0652 Oslo. Waxaana dhamaan soomaalida ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda laga codsanayaa inay kulankaas kasoo qeybgalaan.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inay kulanka kasoo qeybgalaan qaar kamid ah culimada soomaaliyeed ee waaweyn iyo gudiga masaajidka Towfiiq.

kulanka xuska dadkii ku waxyeeloobay qarixii Muqdisho ayaa bilaaban doono kl 16:00, waxaana lasoo xiri doonaa kl 20:00.

Wixii faah-faahin ah ama su´aalo ah kala xiriir: 41404372 ama 94841977

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments