Boqorka Norway oo biladsharaf gudoonsiiyay muwaadin soomaali ah

0
112
Boqorka Norway oo bilad sharaf siinayo, Osman Kheyre

Boqorka dalkan Norway, Hans Majestet Kong Harald V ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay Maxamed Xaaji Kheyre oo kamid odayaasha soomaaliyeed ee dalkan Norway, gaar ahaan magaada Oslo. Gudoonsiinta bilad sharaftan ayaa ka dhacday aqalka boqortooyada dalkan Norway, halkaas oo lagu casuumay Kheyre. Waxaana sidoo kale gudoonsiinta bilad sharaftan qeyb ka ahaa boqorada dalkan Norway Dronning Sonja.

Foto: Stovner Frivillighetsentral

Bilad sharaftan ayaa noqoneysa tii labaad ee uu Maxamed Xaaji Kheyre(Yo-Yo)  helo mudo sanad gudaheed ah, maadaama duqa magaalada Oslo Marianne Borgen ay bishii Maarso ee sanadkan bilad sharaf gudoonsiiyay kheyre.

Maxamed kheyre ayaa kamid dadka aadka uga dhex muuqdo howlaha iskaa wax u qabsada ah ee lagu kaalmeeyo dadweynaha, gaar ahaa xaafada Stovner uu ee deganyahay. Waxa uuna qeyb ka ahaa dad aas-aasay xarun casharada iskuulada looga caawiyo dhalinyaro isugu jirto soomaali iyo ajaaniib.

Duqa magaalada Oslo ayaa Kheyre bilowgii sanadkan gudoonsiisay bilad sharafta naftii horeha sanadkan, waxaana kula tartamayay dad gaaraya 30-qof oo dhamaantood norwiiji dhalad ah.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments