fredag, april 26, 2024

Listhaug oo soo jeedisay in la adkeeyo xeerarka shaqada iyo guryaha ee dadka soo galootiga, si aan looga faa´iideysan

Wasiirada arimaha soo galootiga Norway, Sylvi Listhag ayaa soo jeedisay in la adkeeyo xeerarka suuqa shaqada iyo kireynta guryaha ee dadka soo galootiga ah, si looga hortago in dadka Norwiijiga ah aysan si qaldan uga faa´iideysan xaalada uu markaas ku suganyahay qofka soo galootiga ah ee u shaqeynayo.

Wasaarada ay Listhaug xukunto ayaa baarlamaanka u gudbisay hindise sharciyeed dib u eegis loogu sameynayo sharciyada hada jira ee arintaas ku saabsan. Waxeyna codsatay in la dado dul-duleelada sharciyeed ee looga faa´iideysan karo xooga shaqo ee dadka soo galootiga ah.

Waxey tusaale usoo qaadatay in hadii qof norwiiji ah ( ama heysto dhalashada Norway) uu shaqo siinayo qof soo galooti ah, isla markaana uu ka kireynayo guri, uuna lacagta kirada ka goynayo mushaarkiisa shaqada, ay arintaas keeni karto xadgudub awoodeed. Maadaama qofka soo galootiga ah uu sidoo kale ku xiranyahay shaqadaas, si uu wadanka sharci ugu sii joogo.

Iyada oo raacisay in xeerarka shaqada iyo guryaha Norway aysan arintaas si fiican u qeexeynin, isla markaana loo baahanyahay in sharciyadaas dib loogu noqdo, si loo ciqaabo dadka sida khaldan u adeegsado xooga shaqo ee soo galootiga.

Xigasho/kilde: VG.NO

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x