Haweenay laga tarxiilay Norway oo lagu jeedalay(karbaashay) Iran.

0
166

Leila Bayat oo ah haweeney 36-sano jir ah oo laga tarxiilay dalkan Norway bilowgii sanadkan, ayaa lasoo sheegayaa in karbaash ama jeedal lagu xukumaY dalka Iiraan, kadib markii lagu eedeeyay inay khamri cabtay.

Haweeneydan ayaa inta aan laga tarxiilin dalkan Norway sheegtay inay ka cabsi qabto in lagu jirdilo Iiraan hadii loo tarxiilo wadankaas, laakiin hey´adaha UNE ayaan dhag jalaq u siin cabashada haweeneydan oo sanadkii 2009 timid Norway.

Isbuucan ayaa baraha bulshada lasoo galiyay muuqaal muujinayo haweeneydan oo jirkeedu uu ka muuqdo jeedal, kadib markii la sheegay in lagu xukumo 80 jeedal, iyada oo lagu eedeeyay inay cabtay khamri. Waxaana ay sheegtay inay dhaceen wixii ay ka cabsi qabtay, intii aan Norway laga soo tarxiilin.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto kiiska haweeneydan iyo sida ay wax u dhaceen.

Gudoomiyaha xisbiga KRF ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in haweeneydaas lagu celiyo dalka Iiraan, iyada oo ka cabsi qabto jirdil.

Ninka haweeneydan iyo wiil ay dashay ayaa ku sugan dalkan Norway, wuxuuna ninkeedu codsaday in haweeneydaas dib loogu soo celiyo Norway.

Xigasho/kilde: TV2.NO, VG.NO 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments