Hala sugo ilaa Jonas Større uu khudbad jeediyo oo uu qirto guuldarada doorashada

0
148

Wali waxaa socoto tirinta codadka doorashada, waxaana ilaa hada la tiriyay 60%, iyada oo ay muuqato in ilaa hada ay xisbiyada midigta hogaaminayaan codadka la tiriyay.

Xisbiyada midigta ayaa ilaa hada codadka la tiriyay heysto 88 kursi, halka xisbigada bidixda ee isbadaldoonka ah ay heystaan 81 kursi.  Natiijada doorashada ayaa hadba dhinac u dhaceyso, waxaana suurtogal ah in labada dhinacba ay guuleysan karaan.

Dad badan oo soomaali ah ayaa ku wareersan natiijada hordhaca, laakiin waxaan kula talin laheyn inay isdajiyaan isla markaana ay la socdaan tirinta codadka iyo isbad-badalka doorashada.

Ilaa hada hada madaxda xisbiyadu ma aysan ka hadlin natiijada, waxeyna sugayaan qaabka ay wax u dhacaan iyo natiijada kama dambeysta ah.

Hadii ay qolada midigta guuleystaan waxaa reysulwasaare sii ahaan doono Erna Solberg, hadii laga guuleystana waxaa kursigaas qaban doono Jonas Gahr Større. Erna Solberg ilaa hada uma dabaal-degin guusha doorashada, maadaama ay tirintu wali socoto.

Hadii uu Jonas Gahr Større uu u hambalyeeyo Erna Solberg, qirta in laga badiyay doorashada, markaas ayaa la qiyaasi karaa in doorashadii ay dhinac u dhacday.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments