Trump: Qofka USA soo galayo, waa inuu buuxiyaa shuruudahan

0
101

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shir jaraa´id oo uu shaley ku qabtay aqalka cad ku sheegay, inuu taageersanyahay qorshe cusub oo loo sameynayo nidaamka soo galootiga dalka Mareykanka.

Ilaa hal milyan oo qof oo soo galooti ah ayaa sanad walba sharci degenaansho ka hela USA, balse qorshahan cusub ayaa lagu sheegay in tiradaas la dhimi doono 50%(konton boqolkiiba).

Sharcigan cusub oo dhawaan la horgeyn doono golayaasha baarlamaanka, ayaa wuxuu qofka wadankaas soo galayo ku xiri doonaa shuruudo ay kamid yihiin aqoonta luuqada Ingiriiska, xirfadiisa iyo baahida loo qabo. Shuruudahaas ayaa noqon doono kuwa xooga la saarayo marka laga shaqeynayo kiiskiisa.

Trump ayaa aaminsan in soo galootiga tirada badan ay suuqa shaqada ku ciriirin doonaan dadka u dhashay Mareykanka, isla markaana ay hoos u dhigi doonaan mushaarka suuqyada shaqada.

 

Xigasho/kilde: CNN

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments