London: Haweeney soomaali ah oo lagu heysto lacag ceyr ah oo ay qaadan jirtay

0
213

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad u hadalhayay dacwad loo heysto haweeney soomaali ah, taas oo lagu eedeeyay inay mudo sanado ah si xaqdaro ah ay ku qaadan jirtay lacag ceyr ah. Iyada oo sheegatay inay aheyd singel mother(hooyo kali ah), laakiin xaqiiqadu aheyd inay aheyd hooyo xaas ah.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Shukri Yuusuf ayaa mudo 6 sano ku ah qolada ceyrta ka qaadaneysa lacagta hooyada kaligeed ah(singel mother), laakiin baaritaan la sameeyay ayay dowladu ku ogaatay in haweeneydan uu qabo nin soomaali ah, kaas oo ka shaqeeyo busaska magaalada London.

Shukri ayaa lacagta ay ka qaadan jirtay ceyrta la sheegay inay ka iibsatay gaari nooca qaaliga ah , isla markaana ay laba ilmood oo ay dhashay ay dhigtaan iskuulada gaarka loo leeyahay.

Dowlada ayaa hada haweeneydan ka dalbatay inay bixiso lacagtii ay sida xaqdarada ah ku qaadaneysay,  taas oo hada dhan 102.000 iyo dulsaarkeeda(rente).

Ma ahan markii fadeexad noocan oo kale ah ay ku kacaan dad soomaali ah. Sanadkii 2013 ayaa dalkan Norway waxey boolisku guryahooda ugu dhaceen boqol qoys oo soomaali ah, kuwaas oo sheegay inay kala noolaayeen(seperate), laakiin xaqiiqadu ay aheyd inay isla degenaayeen.

Xigasho/kilde: Dailymail.co.uk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments