lørdag, april 27, 2024

Listhaug oo booqan doono xaafada ay soomaalidu ku badantahay Stocklom ee Rinkeby

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay booqasho waxbarasho ku tagi doonto xaafada ay soomalidu iyo ajaaniibtu ay ku badanyihiin Stocklom ee Rinkeby. Waxeyna halkaas kula kulmi doontaa dad ay iyada soo xulatay oo u badan dad ajaaniib ah oo kasoo horjeedo siyaasada jilicsan ee dowlada Sweden ay kula dhaqanto soo galootiga.

Listhaug ayaa Sweden usoo qaadata tusaalaha xun ee ku guuldareysiga isdhexgalka bulshada, waxeyna ku caan baxday oraahda ah: Norway ma noqon doonto sida Sweden oo kale. Su´aasha isweydiinta mudan ayaa ah waxa ay Listhaug kasoo baran doonto meel ay sheegtay inay tahay goob lagu guul-dareystay isdhexgalka bulshada? Mise safarkeedu wuxuu la xiriira wax kale?.

Booqashada Sweden ee Listhaug ayaa lala xiriirinayaa ololaha doorashada baarlamaanka dalkan Norway, waxaana loo arki karaa inay halkaas u doonatay xaabo iyo shidaal ay ku shidato ololaheeda doorashada Norway.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x