lørdag, april 27, 2024

Codbixin cusub: Ap oo musiibo weyn ay heysato, labo isbuuc kahor doorashada

Waxaa labo isbuuc oo qura ay inaga xigtaa doorashada baarlamaanka dalkan Norway, waxaana wali sii socdo hoos u dhaca joogtada ah ee isbuucyadii ugu danbeeyay ku imaanayay xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Ap.

Codbixin online ah oo isbuucan lagu qaaday tv-ga qarankan Norway ee NRK ayaa lagu sheegay in xisbiga Høyre uu markii ugu horeysay mudo 100 sano ah uu helay codad ka badan kan xisbiga shaqaalaha Ap. Høyre ayaa codbixintan helay 25,7 %, halka Ap uu helay 24,4 %. Ap ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac dhan 4.6%.

Xarunta xisaabaadka dalkan Norway ee Norske Regnesentral ayaa shaley soo saartay saadaalin ay ku sheegso in xisbiyada bidixda ay heystaan 52% jaanis ay ku guuleysan karaan doorashada, laakiin codbixintan cusub ee NRK ayaa keeneyso shaki weyn oo la xiriira natiijada kasoo bixi doonto doorashada baarlamaanka Norway.

Xisbiga ugu weyn mucaaraadka ee Ap ayaa waxaa heysato musiibo weyn oo dhanka codadka ah, iyada ay xisbiga ka tageen taageerayaal kor u dhaafayo 135.000 oo codbixiye. Xisbiyada midigta sida SV, SP iyo MDG ayaa aabe ka xaday 109.000 oo codbixiye.

Foto: Skjermdump/NRK

Codbixintan NRK lagu qaaday ayaa xisbiyada midigta siineyso ee Høyre, FRP, KRF iyo VENSTRE siineyso aqlabiyad kooban oo baarlamaanka ah. Waxeyna isku dar heli lahaayeen 85 xildhibaan, hadii codbixintaas lagu dabaqi lahaa doorashada.

Hadii uu KRF badasho jihada oo uu taageero Ap, waxay xisbiyada Ap, Sp iyo KRF heli karaan aqlabiyad baaxad leh oo ay baarlamaanka ku qabsan karaan. Waxeyna taas mar kale cadeyneysaa in xisbiga KRF uu yahay jokerka doorashada, dhankii uu raacana ay guushu jirto.

Xigasho/kilde: NRK.NO

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x