Urdugan oo dadaal ugu jiro xalinta xiisada khaliijka

0
128
Urdugan, Saudi King

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayeb Urdugan ayaa booqasho xalay kusoo gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, socdaalkaas oo qeyb ka ah dadaalo uu Urdugan wado, kuwaas oo ku aadan xalinta xiisada dalalka Khaliifjak iyo Qatar. Erdogan ayaa horey usoo maray dalka Sacuudiga iyo Kuwait oo wada dhex dhexaadinta dalalka Khaliijka.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay dooneyso inay ka qeyb qaadato xalinta xiisada ka dhex taagan dalka Qatar oo ay xulafo yihiin iyo wadamada kale ee Khaliijka sida Sacuudiga iyo Imaaraatiga. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay qabtaan shirka fool ka fool ah oo ay isugu yimaadaan hogaamiyayaasha Qatar iyo Sacuudiga.

Amiirka Qatar iyo Erdogan ayaa si wadajir ah u taageeray wadahadalkii uu horey u waday Amiirka Kuwait, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka sii kala fogeeyey wadamada khaliijka.

Dadaalka uu wado Erdogan ayaan rajo weyn laga qabin inuu miro dhalo maadaama Sacuudiga uu u arko Erdogan inuu kamid yahay dalalka sida tooska ah taageerada u siiyey Qatar kadib markii ay xayiraada dul dhigeen.

Sacuudiga ayaa sidoo kale kasoo horjeeda Xerada militari ee uu Turkiga ka sameystay dalka Qatar, qodobkaasi oo kamid ahaa shuruudihii xulafada Sacuudiga ay ku xireen Qatar inay dib uga noqoto.

Xigasho/kilde: Aljazeera.com

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments