Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa maalintii shaley aheyd shirka wadamada G-20 kaga dhawaaqay in dowladiisu ay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso afar dal oo kala ah Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Nigeria iyo Yemen.Dalalkaas oo ay ka jiraan xaalado bani´aadannimo oo aad u daran, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye.

Qoondada ay Soomaaliya ku yeelan doonto lacagtan ayaa ah 126 Milyan oo doolarka Mareykanka ah. Lacagtan ayaa sidii caadada aheyd badankeeda waxaa lasii marin doonaa hey´adaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay ee qaabilsan gargaarka.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of