fredag, april 26, 2024

Sweden: Orodyahan soomaali ah oo kasoo baxay dalka Sweden

Dadka asal ahaan kasoo jeedo bariga Afrika ayaa caan ku ah, isla markaana dhowrkii sano ee ugu danbeeyay si isdabo joog ah ugu guuleysanay tartamada orodka dhaadheer ee Maratonka.

Hadii aad u fiirsato tartan socdo oo kuwa orodka dheer ah, waxaa markiiba ku muuqanayo in ugu yaraan labo kamid ah dadka ugu horeeyo, ay asal ahaan kasoo jeedaan mid kamid ah dalalka Soomaaliya, Ethopia, Ereteriya ama Kenya. Waxaadna moodaa in dadka ka shaqeeyo ciyaaraha ee galbeedka kunool ay arintaas sifiican uga warqabaan, isla markaana si gaar ah isha ugu hayaan dhalinyarada kasoo jeedo bariga Afrika.

Dalka Sweden waxaa kasoo baxay orodyahan soomaali ah oo dhawaan ka qeybgali doono tartanka orodka dheer ee 3000 M. Orodyahankan oo lagu magacaabo Suldaan Xasan ayaa kamid ah orodyahanda dhalinyarada ah ee ugu cad-cad tartamada orodada Sweden, wuxuuna kaalinta labaad kaga jiraa orodyahanada dhalinyarada ah ee ugu dheereeya guud ahaan dalka Sweden.

Suldaan Xassan ayaa afar sano uun kahor kusoo biiray tartamada orodada, isaga oo aan markaas horey u qabin wax tababar nidaamsan ah. Laakiin Afar sano oo dadaal joogto ah kadib, wuxuu hada kamid noqday dadka ugu cad-cad orodada Sweden.

Wargeyska GP oo warbixin ka qoray Suldaan Xasan ayaa isweydiinayo sida uu maanta noqon lahaa, hadii uu tababar heli lahaa, isla markaana ciyaaraha orodada kusoo biiri lahaa xili hore.

Talaadadan ayuu Xasan ka qeybgali doonaa tartanka orodada xagaaga ee dalka Sweden, wuxuuna ku haminayaa inuu jabiyo rekordka ka yaal tartankaas.

Xigasho/kilde: GP.SE

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x