lørdag, april 27, 2024

Soomaali qeyb ka ahaa dil ka dhacay Oslo oo booliska Kenya ay kusoo wareejiyeen kuwa Norway

Booliska dalka Kenya ayaa dhawaan booliska dalkan Norway kusoo wareejiyay nin soomaali ah oo qeyb ka ahaa fal danbiyeed dil ah oo ka dhacay magaalada Oslo, sanadkii 2008. Waana markii ugu horeysay taariikhda oo wadan African ah uu Norway kusoo wareejiyo qof ay booliska Norway ku raad-joogeen.

Sida ay sheegeen booliska Oslo, ninkan soomaaliga ah oo ay booliska Kenya Norway kusoo wareejiyeen ayaa qeyb ka ahaa fal danbiyeed lagu dilay wiil dhalinyaro soomaali ah, kaas oo dhacay bishii Maarso sanadkii 2008. Waxaana falkaas lagu eedeeyay labo nin oo soomaali ah, kuwaas oo wadanka isaga baxsaday.

Booliska Norway ayaa tan iyo xiligaas baadi-goob ugu jiray ragaas soomaalida ah ee lagu eedeeyay faldanbiyeedkaas dilka ah. Mid kamid ah waxaa sanadkii lasoo dhaafay lagu qabtay dalka Germany, waxaana dib loogu soo celiyay Norway oo maxkamad ay uga bilaabatay. Halka kii labaadna ay maalmo kahor booliska Kenya kusoo wareejiyeen Norway.

[adsenseyu2]

Wareejinta booliska Kenya ay ninkan soomaaliga ah kusoo wareejiyeen Norway, ayaa dhacday iyada oo aysan jirin wax heshiis dib u celin danbiilayaal ah oo ka dhaxeeyo Norway iyo Kenya. Sida ay sheegeen booliska Norway, howsha soo wareejinta ninkan soomaaliga ah ayaa qaadatay mudo labo isbuuc oo kali ah.

Qareenka booliska Oslo ayaa TV2 u sheegay in arintan ay tusaale u tahay in caalamku uu isku soo dhawaanayo xiriir ahaan, ayna adkaan doonto in qof ay boolisku raadinayaan uu dhuunto, maadaama uu sii balaaranayo xiriirada ka dhaxeeyo booliska dalalka caalamka.

Norway ayaa sanado kahor dhaqangalisay sharci cusub oo dhigaya inaan la laali karin(la xiri karin) kiisaska dadka ku eedeysan falal danbiyeedyada waaweyn, sida dilka iyo weerarada argagaxiso. Taas oo ka dhigan in boolisku ay sii wadanayaan raadinta qofka ku eedeysan danbigaas ilaa ay kasoo qabtaan.

Xigasho/kilde: TV2.NO(halkan ka daawo muuqaalka arintan).

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x