Listhaug: Qoxootiga Talyaaniga joogo waa in laga hor istaagaa inaysan Norway soo aadin

0
201

Maalmo kahor ayey dowlada Talyaanigu sheegtay inay Viso-dal ku gal ah soo siin doonto 200.000 oo qoxooti dalkeeda ku dhaqan ah si ay usoo aadaan woqooyiga Yurub, hadii aan gacan laga siin dib u dajinta qoxootiga ku sugan dalkeeda ee boqolaalka kun gaaraya.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay muhiim tahay in Norway ay qaado talaabo walba ay kaga hortageyso sidii dadkaas aysan Norway usoo gaari laheyn. Iyada oo raacisay in Norway aysan marnaba aqbali karin in dalkeeda ay xiligan soo gaaraan qoxooti badan oo hada talyaaniga ku sugan.

KRF: Waa in Talyaaniga gacan la siiyo

Gudoomiyaha xisbiga KRF, Knut Arild Hariede ayaa sheegay in Norway uu waajib ka saaranyahay gacan siinta dowlada Italy oo qeylo-dhaan usoo dirsatay dowladaha Woqootiga Yurub. Isaga oo raaciyay in qoxootiga Norway hada iska soo dhiibo ay aad u yaraadeen, sidaas darteed ay Norway heyso awooda ah inay Talyaaniga kasoo qaadato qoxooti ay dib u dajib u sameyso.

AP oo diidan:

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større ayaa dhankiisa sheegay in xisbigiisu uu kasoo horjeedo in Norway ay xiligan Talyaaniga kasoo qaadato qoxooti cusub oo dib u dajin loo sameeyo.

Xigasho/kilde: DN.NO, Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments