Liibaan Abdi oo guul ku hogaamiyay Haugesund: Waan ka xumaaday in kursiga keydka la igu soo bilaabo

0
149

Xiddiga soomaaliga ah ee u ciyaara Kooxda Haugesund, Liibaan Cabdi ayaa mar kale guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxdiisa. Isaga oo dhaliyay goolka labaad ee Haugesund u xaqiijiyay guusha ay ka gaareen kooxda Tromsø. 

Liibaan ayaa markii ugu horeysay xiliga ciyaareedkan kusoo bilowday kursiga keydka, taas oo dhalisay su´aalo badan oo ku saabsan sababta Liibaan loo fariisiyay ciyaar muhiim ah oo ay Haugesund baahi dheeri ah u qabto guul.

Si kastaba wuxuu badal kusoo galay qeybtii labaad ee ciyaarta, isaga oo fursadii ugu horeysay ee uu helay daqiiqadii 81-aad gool laad dheer ah ka dhaliyay meel shabaqa u jirto 25 mitir. Goolka Liibaan ayaa niyad jab ku riday kooxda Tromsø oo ku gacan sareysay maamulka ciyaarta, isla markaana dadaal ugu jiray keenista goolka lagu leeyahay. 

[adsenseyu2]

Liibaan oo wareysi gaaban siiyay wargeyska lokalka ah ee Haugesund nytt ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu dhaliyay goolkaas kooxda u muhiimka ah, laakiin wuxuu sheegay inuusan garan karin sababta kursiga keydka loo fariisiyay. Isaga oo raaciyay inuu ka xumaaday in ciyaarta uu ku bilowdo isaga oo xiran jaakada kursiga keydka. 

Xidigan soomaaliga ah ee garabka weerarka bidix ka ciyaara ayaa xiligan kamid ah laacibiinta ugu cadcad horyaalka heerka koowaad ee dalkan Norway, isaga oo dhowr mar guulo muhiim ah ku hogaamiyay kooxdiisa Haugesund. 

Xigasho/kilde: Hytta: Abdi med kanon da FKH slet seg til seier …Hytta: Liban abdi: Skuffet over benkstart

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments