Hamar: Soomaali ku eedeysan isku day dil oo maxkamad lasoo taagi doono

0
161
Boolis baaritaan ku haya, meesha gabadha lagu weeraray Foto: (Torbjørn Olsen)

Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Hamar ee gobolka Hedmark, ayaa maanta mar kale ogolaatay in sideed isbuuc oo cusub xabsiga lagu sii hayo nin 28-jir soomaali ah, kaas oo ku eedeysan fal isku day dil ah. Ninkan ayaa dhamaadka sanadkii hore ee 2016, deegaanka Moelv(Ringsaker) mindi ku weeraray gabar soomaali ah, wuxuuna gaarsiiyay dhaawacyo cul-culus.

28-jirkan soomaaliga ah ayaa xabsiga si kumeel gaar ah(xukun la´aan ah) ugu xirnaa mudo 8 bilood ah, waxeyna boolisku ku dacwoodeen inuu wadanka isaga baxsan karo, hadii xabsiga laga sii daayo.

Booliska Hamar iyo Ringsaker ayaa sheegay inay soo gabo-gabeeyeen baaritaanka ay ku hayeen dhacdadan, iyada maxkamadeynta ninkan ay magaalada Hamar ka bilaaban doonto 27-ka bisha September ee sanadka 2017.

Sida ay boolisku horey u sheegeen, waxaa 28-jirkan iyo gabadha soomaalida ah ee uu dhaawacay ka dhaxeeyay xiriir sheekeysi.

Xigasho/kilde: Ringsaker Blad

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments