Dowladihii Qatar go´doonka galiyay oo ka noqday qaar kamid ah shuruudahoodii ugu adkaa.

0
183
Wasiirka arimaha dibada Imaaraadka

Afarta dawladood ee carbeed ee hormuudka u ahaa go’doominta Qatar ayaa ka noqday qaar kamid ah shuruudihii adkaa oo ay Qatar isbuucyo kahor soo hordhigeen.  Diblomaasiyiin ka kala socda Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ayaa warfidiyeenka ugu sheegay xarunta Qaramada Midoobay in ay rabaan hada in Qatar fuliso lix qodob oo kamid 13-kii qodob oo ay markii hore la imaadeen.

Qodobadan ay sheegeen ayaa waxaa ka mid ah la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo inay  qatarjoojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah shucuubta dowladaha khaliijka iyo carab guud ahaan.

Dowladaha khaliijka ayaa Qatar ku eedeynaya inay naas-nuujin u sameyso ururka walaalaha muslimiinta(ikhwaanul-muslimiinta), kaas oo dowlado badan oo carabta ah looga aqoonsanyahay urur argagaxiso.

Qatar oo markii horeba diidaneyd inay wax taageero ah siiso ururada xagjirka ah, ayaan ilaa hada wax jawaab ah kasoo saarin dabaca ay soo dabceen dowladihii go´doonka galiyay. Qatar ayaa horey u sheegtay inaysan aqbali karin shuruudaha ay soo hordhigeen dowladahaas, iyada oo raacisay inaysan aqbali doonin wax walba oo dhaawac gaarsiin karo qaranimada iyo madax banaanideeda.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments