Denmark: Dumarka Afrika waa inay adeegsadaan daawooyinka dhalmada ka hortaga, si looga hortago Tahriibayaasha ka imaada qaarada Africa

0
176

Dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday inay ku deeqeyso 225 milyan DKK( oo lacagta Denmark ah), si dumarka Afrika loogu fududeeyo inay adeegsadaan daawooyinka dhalmada ka hortaga, si mustaqbalka looga hortago tahriibayaasha usoo hayaami doono qaarada Yurub, isla markaana, isla markaana la yareeyo cadaadiska saaran wadamada EU-da ee ku aadan soo galootiga.

Sidoo kale Denmark ayaa raacisay in dumarka Afrika ay u baahanyihiin in la baro qaabka qorsheynta qoyska, si ay u kala fogeeyaan dhalmada ilmaha.  Arintaas oo ay Denmark sheegtay inay muhiimadeeda leedahay, maadaama ay dumarka Afrika qorshe la´aan dhalaan ilmo badan oo isku xig-xigo.

Wasiirka Hormarinta Iskaashiga dalka Denmark, Ulla Tornaes ayaa sheegtay in Copenhagen ay bixinayso 14 milyan oo doolar oo ay ku kabayso barnaamijkaas. Waxay sheegtay in carruurta caloosha gasha iyaga oo aan loo baahnayn «in ay saamayn wayn» ku yeelato dadka iyo bulshooyinka ku nool dalalka ugu saboolsan dunida. Laakiin waxay intaas ku dartay in sidoo kale ay muhiim tahay xakamaynta bulshooyinka kunool qaarada Afrika, kuwaas oo sanadba sanadka ka danbeeyo kor usii kacayo.

 Wasiiradan oo ka hadlaysa shir London ka dhacay Talaadadii, ayaa raacisay  in 225 milyan oo dumar ah oo ku nool dalalka ugu fiqiirsan dunida in aysan haysanin dawooyinka dhalmada lagu kala fogeeyo.

Xigasho/kilde: TV2.DK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments