Gacan ku dhiigle Anders Breivik: Magacii hore waan iska badalay

0
128

Anders Breivik oo ah gacan ku dhiiglihii ka danbeeyay xasuuqii jaziirada Utøya iyo qaraxii ka dhacay qasrigii hore ee dowlada Norway, ayaa sheegay inuu iska badalay magaciisii Anders Breivik, isaga oo qaatay magac cusub oo ah Fjotolf Hansen.

Gacan ku dhiiglahan ayaa hada kujiro xabsiga, isaga oo dhawaan dacwad ka dhan ah dowlada Norway u gudbin doono maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee kutaal dalka Faransiiska. Breivik ayaa indho-adeegiisa ka cabanayo qaabka loogula dhaqmay xabsiga, isaga oo sheegay inuu tabanayo in loola dhaqmay qaab ka hor imaanayso xuquuqdiisa bini-aadanimo ee xabsiga dhexdiisa.

Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa diiday inay aqbasho dacwada racfaanka ah ee gacan ku dhiigle Breivik.

Ninkan ayaa isku dar gacantiisa ku dilay 77 qof oo ay kamid yihiin labo dhalinyaro soomaaliyeed ah.

Xigasho/kilde: VG, TV2

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments