torsdag, april 25, 2024

Røde-kors: Waxaa caawin nasoo weydiisto dhalinyaro soomaali ah oo Soomaaliya looga soo tagay

Tv-ga qaranka Norway ee NRK oo maalmihii ugu danbeeyay warbixino ka diyaarinayay xaalada caruurta soomaalida ah ee Soomaaliya looga soo tago iyo waliba dhacdadii Hargeysa, ayaa la kulmay wiil dhalinyaro ah kaas oo ay u bixiyeen Guuleed. 

Guuleed ayaa sida ay NRK sheegay kamid ahaa toboneeyo dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo heyáda Rødekurs-ka caawimaad soo weydiistay, kadib markii Soomaaliya looga soo tagay, lana geeyay iskuulo ay ku tilmaameen xabsi oo kale. 

Therese Sørhaug oo kamid ah Rødekurs Norway ayaa NRK u sheegtay in marar badan ay lasoo xiriireen, caruur iyo dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo soo weydiistay inay ka caawiyaan inay Norway dib ugu soo laabtaan, kadib markii looga soo tagay Soomaaliya, iyaga oo aan raali ka aheyn. 

Therese ayaa sheegtay in dhalinyaradan ay kala soo xiriiraan baraha bulshada sosial-mediyaha, sida Facebook ama Massenger. Iyada oo waxa ugu weyn oo ay u qaban karaan ay tahay inay ula xiriiraan hey´adaha dowlada ee arintooda wax ka qaban kara. Therese ayaa sidoo kale sheegtay inay adagtahay in la caawiyo qaar kamid ah caruurtaas kamid ah, maadaama ay ka yaryihiin 18-sano, lagana qaaday passportkii ay ku safri lahaayeen. 

[adsenseyu2]

Anne Marte Stifjeld oo iyadna Rødekurs katirsan ayaa NRK u sheegtay in dhalinyaro badan oo dibada looga soo tagay aysan lasoo xiriirin hey´adaha dowlada iyaga oo ka cabsi qaba in waalidkood lagu soo oogo dacwad ay boolisku kusoo oogaan. Waxeyna arintaas uga gaabsanayaan jaceyl ay waalidkood u qabaan dartiis.

Dhalinyaradan ayaa marka ay Rødekurs lasoo xiriiraan sheego inay la kulmaan jirdil maskaxiyan iyo jir ahaanba ah. Wiilkan ay NRK guuleed u bixiyeen(wuxuu codsaday in magaciisa la qariyo) ayaa sheegay in dugsiyadaas dhalinyarada qurbaha katimid loo geeyo, si ay ugu soo dhawaadaan dhaqankooda iyo diintooda, hase yeeshee wuxuu ku tilmaamay inay ka dhiganyihiin xabsi guri.

Waxaa nala kicin jiray lixda subaxnimo ee aroortii, waxaana quraan akhrin jirnay ilaa laga gaaro sideeda habeenimo ee fiidkii. hadii aan isku deyno inaan cid la hadalno, waxaa nala ciqaabi jiray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in iskuulka ay ilaalin jireen ilaalo adag, iyada oo qaar kamid ah waardiye-yaasha iskuulka ay la dhici jireen ulo, mararka qaarkoodna ay sil-silado lugaha uga xiri jireen.

Cidna kuma kalsooni:

Wiilkan ay NRK u magacdareen Guuleed ayaa sheegay in xanuunkii uu kasoo maray dugsigii uu dhigan jiray iyo xusuustii ay ku reebtay darteed, uusan hada cidna ku kalsooneyn. I

Guuleed ayaa NRK u sheegya in waalidiinta soomaalida ah uu ka codsanayo inay soo ogaadaan xaalada iskuuladaas inta aysan ilmahooda geynin. Isaga oo sheegay in iskuulo badan aysan aheyn waxa ay waalidka u sheegaan inay yihiin.

Sida ay NRK qoreyso wiilkan ayey dib ugu soo celintiisa Norway ay qaadatay labo sano, iyada oo ay gacan siisay hey´ada Rødekurs.

Xigasho/kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x