tirsdag, mai 7, 2024

Jan Bøhler(Ap): Dowladu wax weyn kama qabato dhibaatada caruurta dugsi quraanka Somalia loogu diriyo

Warbaahinta Norway ayaa galabta bilaabay hadalheynta dhacdadii Hargeysa ee gabdhaha soomaalida ah looga soo qabtay goobta ay ku xareysnaayeen, halkaas oo ay dugsi quraan ka baran jiriin. Tv-ga qarankan Norway ee NRK ayaa galabta muuqaal arintaas ka diyaariyay.  Halkan ka daawo muuqaalkaas. 

Jan Bøhler oo ah siyaasi katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, ahna xubin kamid ah baarlamaanka Norway ayaa wargeyska Minearva u sheegay in dhibaatada caruurta dugsi quraanka loo diro ay ka weyntahay inta loo maleynayo, isaga oo dowlada ku eedeeyay ineysan arintaas wax weyn ka qaban.

[adsenseyu2]

Bøhler ayaa sheegay in isagu shaqsi ahaan, ay lasoo xiriireen dad ka wel-welsan dhibaatada arintaas, isaga oo raaciyay in dhibaatadan ay si gaar ah u saameyso gabdhaha oo waalidkood kala cabsadaan inay ka norwiiji-garoobaan.

Waxaan warqad u dirayaa wasiirka waxbarashada:

Xildhibaankan katirsan baarlamaanka Norway, ahna siyaasiyiinta ugu magaca dheer xisbiga shaqaalaha ee Ap, ayaa sheegay in warqad uu arintan uga hadlayo u diri doono wasiirka waxbarashada Norway, si caruurtaas looga bad-baadiyo in loo diro dugsi quraan wadanka banaankiisa ah.

Isaga oo raaciyay inay jiri karto siyaabooyin kala duwan oo arintaas looga hortagi karo, sida in lacagta laga jaro waalidka dhalay caruurta dugsi quraanka loogu diro wadmada dibada ah. Ama in loo eegi karo qaab ciqaab sharciyeed ah, maadaama ay caruurtaas waajib ku tahay inay dhigtaan dugsiga hoose dhexe ee Norway.

Siyaasigan ayaa FrP iyo Høyre ku eedeynayo inaysan wax fiican arintaas ka qaban, isaga oo raaciyay in caruurtaas la dayacay.

Xigasho/kilde: Minearva(halkan kasii akhri warkaas).

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x