torsdag, april 25, 2024

Xusuuso inaad xareyso warqada canshuur celinta(selvangivelse/skattemelding).

Waxaa soo dhawaatay taariikhda kama danbeysta ah ee lasoo xareyn karo warqada canshuurta-celinta(selvangivelse/skattemelding), isla markaana isbadal lagu sameyn karo. 

Taariikhda kama dambeysta ah ee warqadaas lasoo xareeyo ayaa sida caadiga ah ku eg 30-ka bisha april ee sanad walba, laakiin maadaama sanadkan ay 30-ka April ku aadantay maalin axad ah, waxaa warqada canshuur celinta lasoo celin karaa ugu danbeyn 2-may oo ku aadan talaadada soo socoto. Wixii maalintaas ka danbeeyo, wax isbadal ah kuma sameyn kartid. 

Waxaa muhiim ah inaad hubiso in macluumaadka warqada ku qoran ay yihiin kuwii sax ah ku saabsana dakhliga kusoo galay iyo canshuurta aad bixisay. Hubi sidoo kale inaad hesho xuquuqda aad leedahay ee canshuur dhimista ah, sida in shaqadaada iyo gurigaaga ay u dhaxeyso masaafo dheer, inaad caruur jiran leedahay, inaad shaqada xanuun uga maqneyd iwm. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x