torsdag, april 25, 2024

NTB/Oslo: 34-jir soomaali oo dil uu u geystay soomaali kale maanta loo soo taagay maxkamada Oslo

Sida ay qoreyso wakaalada wararka NTB, Waxaa maanta maxkamada darajada koowaad ee Oslo lasoo taagay nin 34-sano jir ah soomaali ah, kaas oo dil u geystay nin kale oo soomaali ah, 24-kii Maarso sanadkii 2008.

Falkan dilka ah ayaa ka dhacay xaafada Grunnerløka ee magaalada Oslo. Nin kale oo soomaali ah oo isna dilkaas ka qeybqaatay ayaa wadanka ka baxsaday, isaga oo aan la ogeyn oo meel ku danbeeyay.

34-jirkan soomaaliga ah ee maanta maxkamada lasoo taagay, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo oogay danbi kale oo ah isku day dil, kadib markii uu xabado dhowr ah la beegsaday nin kale oo isna soomaali ah, oo uu isna soo gaaray dhaawac gacanta ah.

[adsenseyu2]

Sida ay boolisku sheegeen waxaa arintan sababay khilaaf, balse ma aysan sheegin waxa uu salka ku hayay khilaafkaas. Booliska ayaa sidoo kale raaciyay in qaar kamid ah ragga arintan ku lug-leh, ay horey uga soo qeybqaateen danbiyo la xiriira daroogo.

34-sano jirkan soomaaliga ayaa Norway ka baxsaday kadib marka uu falkan dhacay, waxaa sanadkii hore laga soo qabtay dalka Germany. Bishii Febraury ee sanadkii hore ayaa waxaa loo soo gudbiyay booliska Norway.

Ninkan ayaa hada si kumeel gaar ah ugu xiranku xiran xabsiga magaalada Kongsvinger, waxeyna maxkadeyntiisu socon doontaa mudo 8 maalin ah.

Xigasho/kilde: NTB, VG, NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x