tirsdag, mars 19, 2024

Dagbladet/UDI: 685 qof soomaali ah ayaa ka baxsatay kaamamka Norway

Tan iyo markii Stocklom-Sweden uu ka dhacay weerarkii uu geystay ninka sharciga loo diiday ee dalkaas ku sugnaa, waxaa soo badanayo hadalheynta ay warbaahinta Scandanevianku, hadalhayaan dadka magangalyada loo diiday ee aan la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen.

Wargeyska Dagbladet ayaa maanta warbixin ka qoray tirada dadka sharciga magangalyada loo diiday ee kabaxay kaamamka, isla markaana aan la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen.

Dagbladet ayaa kasoo xiganayo UDI-da in tirada dadkaas ay gaarayaan 4446, kuwaas oo 3817 kamid ah ay yihiin dad waaweyn, halka 554 ay yihiin caruur la socoto dadkaas waaweyn ee magangalyada diidmada ka helay.

Dadkan ayaa isugu jiro kuwo Norway ka tagay oo meelo kale magangalyo u raadsaday iyo kuwo wadanka dhinac kaga nool balse aan la ogeyn meesha ay joogaan.

685 Soomaali ah:

Sida ku xusan tirada ay UDI siisay Dagbladet, waxaa dadkaas kamid ah 991 Afgaanistaan kasoo jeedo, 685 Soomaaliya kasoo jeedo, 387 Ereteriya, 335 Ciraaq iyo waliba 182 Iiraaniyiin ah.

Xigasho/kilde: Dagbladet(halkan ka akhri warkan oo faah-faahsan).

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x