fredag, april 26, 2024

Warbaahinta Norway oo si aad ah u hadalheyso cabashada soomaalida ee barnaamijkii NRK

Dhamaan wargeysyada Norway ayaa maanta si aad ah u hadalhayo cabashada soomaalida ee barnaamijkii trygdekontoret ee ku saabsanaa soomaalida Norway. Sida ay gudiga cabasada NRK sheegeen, waxaa soo gaaray 70 cabasho oo ku saabsanaa barnaamijkaas. Waana barnaamijkii cabashada ugu tirada badan ay ka timid sanadkan.

Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee qowmiyad ajnabi ah ay klage intaas tiro ahaan dhan, ay ka bixiso barnaamij ka baxay tvga qaranka ee NRK, sida ay sheegeen gudiga NRK.

[sdonations]1[/sdonations]

Foto: Julia Naglestad/NRK

Warbaahinta qaarkeed ayaa eedeyn usoo jeedinayo Thomas Seltzer oo ahaa daadihaya barnaamijka. Thomas waa wariye (senior), khabiir iyo rug cadaa ah. Waana sababta keentay in warbaahinta ay aad u hadalheyso cabashada ka timid barnaamijkiisa.

Seltzer ayaa diiday inuu jawaab ka bixiyo su´aalo laga weydiiyay cabashada tirada badan ee ka timid barnaamijkiisa.

 

Waa kuwan qaar kamid ah cinwaanada ay warbaahinta Norway ka qortay cabashada soomaalida ee barnaamijka NRK.(Si aad u akhriso, ku dhufo linkiga, click sii)

1)Aftenposten: Klagestorm mot NRK: har fått 70 klager på Trygdekontorets program om somaliere.

2)NRK: FLere klager til NRK.

3)Adressavisen: Mange Klager til NRK

4) NA: Flere hundre klager til NRK. 

5) Avis-Nordland: NRK har hittil i år mottatt flere klager enn i hele 2016.

6) NTB: Det mye omtalte Somalia-programmet i Thomas Seltzers programserie Trygdekontoret topper foreløpig klagetoppen

7)Dagbladet.no: Kringkastingsrådet:Klagestorm mot NRK

Wixii warar kusoo kordha arintan iyo jawaabta ay NRK bixiyaan gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x