onsdag, mai 8, 2024

Venstre: Frp lama shaqeyn doono!

Xisbiga Venstre oo kamid ah labada xisbi yare ee xukuumada hada jirto wada-shaqeynta la leh, ayaa go´aan cad ku sheegay inaysan doorashada soo socoto la shaqeyn doonin xisbiga Frp. Taas badalkeedana ay rabaan wada-shaqeynta xukuumad ka kooban Høyre, Krf iyo Venstre.

Waa xisbigii labaad ee diida wada-shaqeynta Frp. Horey KRF ayaa u diiday inay la shaqeeyaan xisbiga Frp oo lagu tiriyo xisbiyada xagjirka midigta fog ah.

Diidmada labadaan xisbi yare, ayaa ka dhigan in jaaniska soo noqoshada Frp, uu sii wiiqmayo. Halka xisbi ee ilaa hada sheegay iney la shaqeyn doonaan Frp waa xisbiga ay dowlada ku wada jiraan ee Høyre.

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x