torsdag, april 25, 2024

Denmark: Xisbi soo jeediyay in dadka soo galootiga ah lagu qasbo inay kaniisadaha tagaan

Ma maqli jirtay doqon ha u jilcin ama doqon yeysan kaa adkaan?. Waxaa sidaas hada ka dhigan xaalada xisbiyada xagjirka ah ee wadamada Yurub, oo maalinba maalinta kasii danbeyso soo jeedinayo qodobo aan maskaxda gali karin oo ku saabsan soo galootiga.

Xisbiga xagjirka midigta fog ee Denmark kadhisan oo lagu magacaabo Dansk-Folkeparti, ayaa maalmo kahor keenay soo jeedin dhalisay muran iyo hadalheyn badan. Taas oo ku saabsan in dadka soo galootiga ah lagu qasbo inay kaniisada tagaan xiliyada ay dadka heysto diinta Christianka u dabaal dagaan dhalashada Nabi Ciise(Kirismiska) iyo xiliga ay sheegaan inuu soo noolaaday(Påske).

[adsenseyu2]

Xisbigan ayaa arintaas sabab uga dhigay in diinta masiixigu ay tahay mid asal u ah, saameyn balaarana kuleh dhaqanka Denmark, sidaas darteed ay soo jeedinayaan in shuruud looga dhigo dadka soo galootiga ah inay ka qeybqaataan dabaal-degyada labadaas xaflad-diimeed, si ay u muujiyaan kamid noqoshodooda dadweynaha reer Denmark iyo waliba aqbalaadooda inay qaateen dhaqanka dalkaas.

Dhamaan xisbiyada kale ee kadhisan dalka Denmark iyo waliba siyaasiyiin kamid ah isla xisbigaas DF, ayaa caro weyn ka muujiyay soo jeedintaas. Iyaga oo tilmaamay inay lid ku tahay dastuurka dalkaas ee dhigaya inuu qofku u madax-banaanyahay waxa uu aaminsanyahay diin ahaan. Waxeyna sheegeen inay arintaas ay Denmark dib u celineyso qarniyo, ayna aheyn wax macquul ah in laga hadlo sanadkan 2017.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa sidoo kale qoreyso in xitaa dadka u dhashay dalkaas ee Danishka ah, heytsana diinta masiixiga aysan iyaguba kaniisadaha sifiican u tagin xiliyada ay jiraan xaflad-diimeedyada.

Xigasho/kilde: Dagen.no

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x