tirsdag, mars 19, 2024

Xasan Raasto oo la gudoonsiiyay bilada abaal-marinta shaqsiga sanadka 2016 ee CTR

Wariyaha TV-ga qaranka Soomaaliyeed-SNTV ee dalkan Norway, Xasan Said Raasto ayaa la gudoonsiiyay bilada abaal-marinta shaqsiga sanadka 2016 ee hey´ada CTR(Center for Treatment and rehabilation). CTR ayaa ah hey´ad ka dhisan woqooyiga dalkan Norway, gaar ahaan magaaada Tromsø. Waxaana CTR bixinta abaal-marintan kala qeybqaatay isbitaalka woqooyiga dalkan Norway.

Xaflada gudoonsiinta abaal-marintan ayaa shaley ka dhacday magaalada Tromsø, waxaana kasoo qeybgalay dad kala duwan oo ka kala yimid dhamaan daafaha dalkan Norway. Baashe Muuse(Ap-Oslo), Ismaaciil Axmed(Høyre-Trondheim), Seynab Mohamud(Qoraa soomaali ah), odayaasha iyo madaxda jaaliyada Tromsø iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa shaley goob-joog ka ahaa xaflada Raasto lagu gudoonsiinayay bilad abaal-marinta shaqsiga. 

Shaqo-dadweyne oo muhiim sanadkii 2016:

Hey´ada abaal-marinta bixisay ee CTR ayaa sheegtay in Raasto uu sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Norway uu u qabtay shaqooyin muhiim ah, sidaas darteedna ay u doorteen inuu yahay shaqsiga sanadka 2016. Iyaga oo sheegay inay muhiim tahay in la xuso dadka bulshada soomaaliyeed boosaska muhiimka ah ugu jiro.

Hambalyo Xasan Raasto

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x