torsdag, april 25, 2024

Listhaug: Deeqaha aan bixino , waa inaan ku bedelanaa heshiis dib u celinta dadka sharciga loo diiday

Warbixin cusub oo dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in hadii uu jiro heshiis dib u celin ah, ay fududaaneyso in dad badan si khasab ah loogu celiyo wadankoodii. Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ayaa sheegtay iney xooga saari doonaan in deeqaha/mucaawinada ay bixiyaan, ay u adeegsan doonaan saxiixa heshiisyo cusub oo dib u celin ah. 

Warbixintan oo ay soo saartay hey´ada Fafo ayaa lagu sheegay in wax kabadan 50% dadkii wadanka sharci la´aanta ku joogay Norway, dib loogu celiyay wadankoodii, kadib markii ay Norway heshiis dib u celin ah la gashay wadankoodii.

Listhaug oo NRK la hadashay ayaa sheegtay in hadii uu jiro heshiis dib u celin ah, ay arkeen iney keeneyso dar-dar galin ku saabsan dib u celinta dadka. Qaar iyagu iskood u noqday iyo qaar kale oo si khasab ah lagu celiyay.

Waxeyna raacisay inay xooga saari doonaan in deeqaha ay dowladu bixiso, ay u adeegsan doonaan galitaanta heshiisyo dib u celin ah. 

Hadii Norway ay wadan siiso taageero, waxaa khasab inaan sugno iney dib u qaataan muwaadiniinta dalkooda kasoo jeedo. Taasna waxey noqon doontaa  mid muhiim ah waqtiga soo socdo., Ayey Listhaug ku tiri NRK oo arintaas wax ka weydiiyay.

Noas: Deeqaha waa in loo adeegsadaa dib u dhiska wadamada:

Ururka u dooda xuquuqda dadka magangalyo-doonayaasha ah, ayaa warkaas Listhaug kasoo baxay ku tilmaamay nasiib daro. Iyaga oo sheegay in mucaawinada iyo deeqaha la siiyo dalalkaas, loogu tala-galay in lagu wanaajiyo xaalada dalkaas uu ku suganyahay iyo dib u dhiska hanaanka dowladnimada.

[adsenseyu2]

Jon Ole Martinsen oo katirsan Noas ayaa sheegay in diktaatooro(kaligii taliye) iyo dowlado aan ixtiraamin xuquuqda bini aadamka, lagu abaalmariyo inay dib u qaataan muwaadiniinta dalkooda, ay tahay mid ayaan daro ah.

Heshiis dib u celin mar walba ma shaqeeyo: Ethopia

Hye´ada soo saartay warbixinta ay Listhaug xiganeyso, ayaa sheegtay in heshiis dib u celin  ah uusan mar walbe xal aheyn. Ethopia ayaa heshiis dib u celin Norway la gashay sanadkii 2012. Waxaana kaamamka Norway kujiro dad kor u dhaafayo 400 oo Ethopia kasoo jeedo. Inkasta oo uu heshiis jiro, hadana dowlada Norway ayaa ilaa hada aan dad badan wadankaas dib ugu celin.

Heshiisyo dib u celin cusub:

Ilaa 1800 oo sharci la´aan ayaa kunool Norway sida uu qorayo NRK. intooda badan waxey kasoo jeedaan dalal aan Norway hesiis dib u celin la galin, sida Soomaaliya, Iran iyo Ereteriya. 

Wasiirada arimaha soo galootiga ayaa sheegtay inay hada ka shaqeynayaan dhameystirka heshiisyo cusub oo dib u celin ah, laakiin wey diiday inay magacowdo wadamada ay wadahadalka kula jiraan. 

Listhaug ayaa raacisay in arintan ku saabsan heshiisyada dib u celinta qoxootiga, ay hada tahay mid Yurub oo dhan ay muhiimad gaar ah siineyso.

 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x