torsdag, april 25, 2024

Germany: Maalinkiiba waxaa la weeraraa 10 qof oo soo galooti

Sanadkii hore ee 2016, waxaa dalka Germanka la diiwaan-galiyay 3.500 weerar, kuwaas oo lagu qaaday dad soo galooti ah. Waxaana weeraradaas ku dhaawacmay 560 qof, oo 43 kamid ah ay yihiin caruur yar-yar. 2.500 oo weeraradaas kamid ah, waxaa lagu qaaday dad kali-kali ah. Sidoo kale waxaa jiri karo boqolaal weeraro kale ah, kuwaas oo aan lasoo diiwaan-galin ama aan boolisku lagu soo wargalin.

Germany ayaa sanadkii 2015 qaabishay qoxooti dhan 890.000 qof, halka sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ay Germany sidoo kale qaabishay qoxooti ku dhow 300.000. Waxeyna taas sababtay in kacdoon xoogan ay sameeyeen kooxaha xagjirka dhinaca midigta ah, kuwaas oo weeraro abaabulan ku qaada xeryaha lagu soo dhaweeyo dadka soo galootiga ah. 

Dowlada Germany ayaa arintan ku dhaliileyso xisbiyada xagjirka dhinaca midig ah, kuwaas oo u muuqdo kuwo ka faa´iideysanaya carada dadka. Halka xisbiyada midigtaee mucaaradka ahna, ay dowlada ku dhaliilanayaan inay arintaas ay dowladu ka danbeyso, maadaama aysan maqlin codsiga iyo qeylada dadweynaha Germanka. 

Xigasho/kilde: RIX-papiravis(27-02-2017, side 11)

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x