torsdag, april 25, 2024

Fredrikstad: Boqolaal qof oo shaley isugu timid xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Fredrikstad iyo guud ahaan gobalka Østfold, ayaa maalintii shaley aheyd xaflad soo dhaweyn ah oo balaaran u sameysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, M. Abdullahi Farmaajo iyo guud ahaan isbadalka siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay. Sidoo kalena lagu sagootinayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Hassan Sh. Mohamoud. 

Xafladan soo dhaweynta ah oo aheyd mid sifiican loo soo agaasimay ayaa shaley lagu qabtay guriga hiddaha iyo dhaqanka ee magaalada Fredrikstad, waxaana kasoo qeybgalay dad boqolaal qof gaarayo.

Waxaa sidoo kale khadka Telefonka uga soo qeybgalay madax katirsan dowlada dhexe ee Soomaaliya, oo uu kamid ahaa taliyaha SNA, General Mohamed Aadam Axmed oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Taakuleynta abaaraha Soomaaliya:

Foto: Hassan Raasto, SNTV

Kulankan shaley ka dhacay Fredrikstad oo ay NorSom News goob-joob ka aheyd, ayaa waxyaabaha ugu badnaa ee looga hadlay waxaa kamid ah taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan guud ahaan dhulka ay soomaalidu degto. Intii badnaa dadkii ka hadlay xafladaas ayaa hadalkooda kusoo qaadanayay abaartaas iyo sidii gacanta looga geysan lahaa taakuleynteeda.

Soomaalida degan Østfold ayaa u muuqdo kuwo u abaabulan si jaaliyad guud ahaan ah, iyada oo la dheehan karo iney jirto isku xirnaan fiican oo ka dhaxeyso qeybaha kala duwan ee soomaalida ku dhaqan gobalkaas.

Halkan ka daawo(Click ku dhufo) sawiro badan oo muujinayo qaabkii ay shaley u dhacday kulankaas soo dhawenta ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x